Dowlada Soomaaliya oo ku eedeysay dowlada Kenya inay hubeyneyso jabhad

19 Dec 2020 (Puntlandes) Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay si dhow ula socoto abaabul milateri oo dowladda Kenya ka wado aagga Mandhera, si ay xasillooni daro looga abuuro gudaha Soomaaliya, iyadoo uga digtay dawladda Kenya.

“Dowladda Federaalka waxay ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad ku soo daadgureysay magaalada Mandhera, si duulaan loogu soo qaado Beledxaawo iyo saldhigyada ciidanka xoogga dalka”

Digniintan ayaa salka ku haysa dhaqdhaqaaq milatari oo la sheegay inay ciidamada Kenya ka wado xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Dowlada Soomaaliya

Dowldda Federaalka Soomaaliya waxay si dhaw ula socotaa abaabulka militari ee ay Dowladda Kenya maalmahan ka waddo aagga Mandera iyada oo hubeynaysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni darro looga abuuro gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa Dowladda Kenya ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kenya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author