Sawirro: Axmed Karaash ookulan la qaatay Ganacsatada Gobolka Bari

20 Dec 2020 (Puntlandes) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo ku jooga Boosaaso ayaa kulan la qaatay Ganacsatada Gobolka Bari.

Kulanka oo ay Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyeen Guddiga ka talabixinta sarifka lacagaha, Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Rugta Ganacsiga Puntland, waxaa looga hadlay dardargelinta go’aamadii dowladdu ku xalisay cabashooyinkii sicirka sarifka.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegaystay guddiga arrimahan ka shaqeynayay iyo ganacsatada, wuxuuna faray dhammaan ganacsatada Puntland in ay isticmaalaan Shillin Soomaaliga, Iyadoo dowladduna ay hore u hirgelisay tallaabooyin lagu horumarinayo isticmaalka Shillin Soomaaliga.


Puntlandes.com

About The Author