Waa maxay sababta dawlada Soomaaliya u Canbaaraysay Dawlada Sweden?

Wadamo kamid ah dalalka Carabta iyo ururka Islaamka ayaa la saftey dalka Sucuudiga khilaafka u dhaxeeyey dalalka Sucuudiga iyo Sweden. Dalka Imaaraadka Carabta ayaaba u yeertey safiirkoodi Sweden.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka Carabta laakiin waxaa la is weydiin karaa sababta DFS Soomaaliya u canbaareysay dalka Sweden oo ka mid ah dalalka ugu badan ee haya Qaxootiga Soomaaliyeed, sidoo kale Sweden ayaa kamid ah dalalka doorka roon ka qaata dhanka wax bixinta  iyo u qaaraamida dalka Soomaaliya oo dawladnimadiisii burburtay sanadkii 1991, waxaana ay si toos ah u bixiyaan dhaqaalaha ku baxa tababaridda ciidamada Soomaaliya, waxay kaloo ka qaybqaataan barnaamijyada hormarinta iyo bixinta dhaqaalaha AMISOM.

Dalka Sucuudiga ayaan laga soo dhawayn Soomaalida naf la cararka ahayd 24 tii sano ee u danbeysey, soo dhaweyn ha joogtee, waxaa loo geysanayey xabsi, iyo iyada oo dib loogu celiyo meelo dagaalo ka socdaan, sidoo kale Sucuudiga oo dal hodan ah ayaan ka qaybqaadan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Sucuudiga ayaa dhawr jeer lacag Malaayiin ah ugu deeqay Soomaaliya lacagtaas oo ku dambaysay jeebka shaqsiyaadka madaxda iyadoo boorsooyin ku jirtana gacanta laga saaro siyaasiyiinta markaas xilka hasya, lacagtaas oo aan marin hab sharci ah, waxaana ay ku fushadeen danahooda gaarka ah,

Hadaba xeeldheerayaasha falanqeeya arimaha Soomaaliya waxay leeyihiin sababta ay Dam Jadiid (DFS) ula safatay Sucuudiga ayaa ah baahi loo qabo lacag lagu galo  ol-ole siyaasadeed ee 2016 ama ku darsiga 2 sano.

1879

 

Puntlandes.com

About The Author