Diblomaasiyiintii Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo dib ugu laabtay Muqdisho

21 Dec 2020 (Puntlandes) Illaa 17 xubnood oo isugu jiray Diblomaasiyiin, u qeybsanayaal iyo shaqaalaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ka howlgalayay Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa saaka dib dalka ugu soo laabtay.

Xubnahan ayaa fulinayay amar todobaadkii hore ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ahaa in muddo 7 cisho gudahood ay dalka ku soo galaan, maadaama dowladda Soomaaliya xiriirka u jartay Kenya 15-kii bishan.

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa la soo xiray, iyadoo loo hoggaansamay go’aankii dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in xiriirkii diblomaasiyadeed loo jaray Kenya, kuna amartay Diblomaasiyiinta Safaaradda Kenya ee ku sugan Muqdisho ay muddo todobo cisho gudahood dalka uga baxaan, halka Diblomaasiyiinta ka jooga Nairobi la amray in dalka dib ugu soo laabtaan.

Madaxda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo dhex dhexaadiyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku guuleystay inay labada dal ku qanciyaan in xiriirka dib loo soo celiyo, lana qaboojiyo xaalada, lana joojiyo hadalada colaadeed ee warbaahinta la isu marinayo.

About The Author