Sawirro-muuqaal: Booliska Gobolka Bari oo fashiliyay Qarax la dhigay mid kamid ah xafadaha Bosaso
22 Dec 2020 (Puntlandes) Booliska Gobolka Bari ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari xalay ku fashiliyay Qarax miino oo lagu aasay xaafad ka tirsan magaalada, sida ay shaaciyeen Booliiska.
Laamaha kala duwan ee Amniga Bosaso, oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay halka lagu aasay Qaraxaas, ayaa ku guulaystay in ay fashiliyaan ,ka hor inta aysan cid dhibaato ka soo gaarin.
Sidoo kale, Laamaha Amniga Bosaso, waxayHawlgalkaas ku qabteen Rasaas iyo walxaha Qaraxyada laga sameeyo, kuwaas oo ku diyaarsanaa xaafado ka tirsan Bosaso, si weerarro Argagixiso loogu fuliyo.
Hawlgalka kadib, Ciidamadu waxay soo bandhigeen Rasaastii iyo Qaraxyadii ay qabteen, waxaana ay u mahadceliyeen Shacabka oo sida ay sheegeen kala shaqeeya Sugidda Amniga magaalada.