Sawirro: Madaxweynaha Djibouti oo kulan la yeeshay Madaxweyne Muse Bixi

23 Dec 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo safar ku aaday dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo qasriga madaxtooyada Jabuuti ku qaabiley.

Madaxweynaha Somaliland markii uu ka degay Madaarka Caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa halkaa si ballaaran ugu soo dhaweeyey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dalka Jabuuti iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.

Waxaana madaxweynuhu qadar nasosho ah uu ku qaatay qolka gaarka ah ee nasashada, iyadoo looga sii gelbiyey weftiga madaxweynaha dhinaca qasriga madaxtooyada Jabuuti oo ay kula kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Geelle iyo Biixi ka wada hadalay danaha labada dhan, adkaynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac iyo isu-socodka arrimaha bulshada. Waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaatay sidii horeba ay labada dhinac isaga kaashan jireen ka war haynta iyo la socodka arrimaha nabadgelyada mandaqada.

 


Puntlandes.com

About The Author