Warsaxaafadeed: Midowga Murashaxiinta oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedyada, bulshada rayadka ah iyo beesha Caalamka in ay qaswade u aqoonsadaan Madaxweyne Farmaajo

23 Dec 2020 (Puntlandes) Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha ayey ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedyada, bulshada rayadka ah iyo beesha Caalamka in ay qaswade u aqoonsadaan Madaxweyne Farmaajo, meelna looga soo wadajeesto, si wadajir ahna looga hortago ficillidiisa gurracan ee halista gelinaya nabadda iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta  ayaa cambaareeyay go’aanka guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaal ku shaaciyeen jadwal doorasho, waxaana ay ku sheegeen in tallaabadan ay u arkaan boobka doorashada heer Qaran oo uu Madaxweynuhu ugu bareerayo abuuris xasarad siyaasadeed lagu burburinayo nidaamka dimoqraadiga.

 

About The Author