Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay guddiyada dib-u-eegista dastuurka

23 Dec 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo uusan goobjoog ka ahayn kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Guddiyada Dastuurka shaqadii wanaagsaneed ee seddaxdii sano ee lasoo dhaafay ay ka soo qabteen qabya-tirka Dastuurka iyo heerka wanaagsan ee ay soo gaarsiiyeen, iyadoo ay Guddiyada Dastuurka soo bandhigeen caqabadaha ku xeeran dhammeystirka Dastuurka iyo guulaha ay ka gaareen dadaalkoodii ku aaddanaa dhammeystirkiisa.

Muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo oo iminka gabogabo ah ayaa waxa uu ku guuldaraystay inuu ka shaqeeyo dhamaystirka dastuurka dalka, halka uu ku mashquulay mudadii uu xilka hayey la dagaalanka dawlad goboleedyada dalka.

Labada Aqal ee baarlamaanka ayaa iminka waxaa looga fadhigaa inay dhamaystirka iyo aftu u qaadida dastuurka ay ku wareejiyaan Baarlamaanka 11aad ee iyaga bedeli doona.


Puntlandes.com

About The Author