Cabdi Xaashi ”xeerka uu madaxweynuhu soo saaray wuxuu baalmarsan yahay dastuurka kmg ah, mana lahan wax raad sharci ah” (muuqaal)
24 Dec 2020 (Puntlandes) Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlaamka JF Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi oo shir jaraa´id qabtay ayaa ku tilmaamay xeerkii ama digreetadii uu maanta soo saaray madaxweyanaha JFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo mid baal marsan sharciga dalka u yaala, sidaas darteedna aan sharci ahayn.
Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa Farmaajo ku ewedeeyey inuu is-horistaagay inuu xilkiisa guto Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ”Waxaan halkan ku caddaynayaa inuu Madaxweynuhu ku dhaqaaqay talaabo halis gelinaya jiritaanka dastuuriga ah ee hay´adaha dawladda Federaalka Soomaaliya, isagoo si ulakac ah u sameeyey xadgudinya soo socda”
1-Hor istaagid xilgudashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , kaas oo u xilsaaran dib u eegista, Ansixinta, waxka bedelka dastuurka kmg ah iyo qabashada afti dadweyne oo si kamadambays ah loogu ansixiyo dastuurka dalka.
2-Madaxweynuhu wuxuu talabadaas ku baalmaray habraaca wax ka bedelka dastuurka kmg ah ee ku qeexan cutubka 15aad ee dastuurka, wax ka bedelida dastuurka waa hawl xeerdejinta, kamana mid ahan awooda uu dastuurku u igmaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
3- Madaxweynuhu wuxuu ku xadgudbay kala soocida awoodaha dowladeed ee xeerdejinta, fulinta iyo Garsoonka sida ku cad qodobka 3aad ee dastuurka kmg ah, farqadiisa 4aad
4-Madaxweynuhu wuxuu jabiyey waajibaadka dastuuriga ah ee ku cad qodobka 87aad , kaas oo xeerinaya in Madaxweynuhu gudanaayo waajibaadkiisa si waafaqsan dastuurka kmg ah isla markaasna uu yahay ilaaliyaha mabaadiida aasaasiga ah ee dastuurka oo ay ka mid tahay kala soocida sadexda awoowood ee dawladda, sidaas daraadeed xeerka uu madaxweynuhu soo saaray wuxuu baalmarsan yahay dastuurka kmg ah, mana lahan wax raad sharci ah”
Puntlandes.com