Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay qodobadii ay ku heshiiyeen Puntland iyo Galmudug

25 Dec 2020 (Puntlandes) Golaha Midowga Musharixiinta madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay dadaalka Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ku doonayaaan xallinta muranka ka taagan Arrimaha Doorashada heer Federaal, gaar ahaanna Guddiga doorashada.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Musharixiinta, ayaa lagu amaanay dadaalka labada Madaxweyne ee ku wajahan xallinta Khilaafka Guddiga Doorashada iyo hirgelinta doorasho lagu midaysanyahay.

Golaha Murashixiintu, wuxu Madaxweynayaasha kale ee Dowlad Goboleedyada dalka ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan xal u helidda Khilaafka Maamul ee ka aloosan Doorashada 2020/2021, si loo qabto doorasho Heshiis lagu wada-yahay.

Sidoo kale, Goluhu wuxu ka digay cid kasta oo isku dayda in ay carqalad ku samayso dadaalka labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ku doonayaan in la xalliyo muranka Doorashada.

About The Author