Dawlada Dr Gaas ma waxay sheegtay wayday xagee bay ku dambaysay in ay Todobaad walba soo bandhigaan waxqabadkooda?
Go’aamadii faraha badnaa ee meel ay ku dambeeyean aan la aqoon ee ay ku caanbaxday inay Xukuumada uu hogaamiyo Dr Gaas soo saarto ayaa waxaa ka mid ahaa in ay Todobaad walba u soo bandhigaan shacab waynaha reer Puntland waxqabadkooda.
Waxay ahayd inuu soo bandhigo waxqabadka xukuumada wasiirka Warfaafinta Cabdiwali Xirsi Cabdile Indhaguran nasiib daro laakiin sadex todobaad oo uu waxqabad ka dhigay safaro uu dibada Puntland u aaday madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayuu saxaafada horyimid ka dibna afkii baa juuqna gabay ileen ma uu hayo wax uu sheego oo ay qabatay xukuumada uu ka mid yahay ee uu madaxeynaha ka yahay Dr Gaas.
Xukuumada uu Hogaamiyo Dr Gaas waxay noqotay mid hoos u dhac baaxadwayn ku keentay Puntland kaasoo ah mid dhuleed, Dhaqaale iyo xiriirkii ummaddii wadada dhistay Puntland.
Xukuumada Dr Gaas waxay jirtaa 15 bilood iyadoo waqtigaasi yahay mid ka lumay Puntland, halka aysanba u muuqan madaxweyne Dr Gaas oo ku mushuulsay isfaanin uu isku faaninayo mashaaricdii ay ka tagtay Xukuumadii ka horaysay ee uu hogaaminayey Dr Faroole sida Garoomada Bosaso iyo Garowe, Jaamacda Maakhir ee Badhan, Jidka isku xira Gaalkacyo iyo Garowe iyo xabsiga wayn ee Garowe.
Halkan ka daawo markuu xilka la wareegayey
Xukuumada Dr Gaas maba is’oga oo uma muuqdaan safarada aan kala joogsiga lahayn oo dalkiiska , Musuqmaasuqa xargaha joostay ee nin walba meeshuu xukumo uu isagu madaxweynaha ka yahay. Puntland tii sumcada sharafta lahayd Dr Gaas maanta wuxuu ka dhigay meel ninwalbaa ku xisaabtamo.
Soomaalidaa waxay tiraahdaa ”Runi rag kama qosliso” waxaa la gaaray xiligii ay reer Puntland iswaydiin lahaayeen haddii uu Dr Gaas madaxweyne kasii ahaado Puntland sida uu iminka wax ku wadana uu ku sii wado waqtiga u haray Dr Gaas na uu yahay 3 sano iyo 9 bilood waxa ay Puntland ku dambayn doonto? Ma sii jiri doontaa? Soow ma haboona in hada inta goori goor tahay in aynu ka tashano?
Puntlandes.com