Akhriso Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland oo Shaqa joojin ku samaysay Duqa Degmada Gaalkacyo, magacawdayna…
26 Dec 2020 (Puntlandes) Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa wareegto kasoo baxday maanta waxay shaqadii ka joojisay Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Saahid Sayn.
Wareegtada ayaa lagu sheegay kadin markii Wasaaraddu ay tixgalisay cabooshin ka imaanaya shacabka Degmada Gaalkacyo oo ku aadan Maamulka Degmada Gaalkacyo, waxay shaqadii ka joojosay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo mudane Saahid Maxamuud Cali.
Wasaaraddu waxay fartay Guddoomiye kuxigeenka Degmada Mudane Maxamed Cabdinaasir Cigaal inuu shaqada sii wado illaa amar dambe.