Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo dalbatay in baaris lagu sameeyto maamulka degmada Gaalkayo ee ay shaqadii ka hakisay

26 Dec 2020 (Puntlandes)  Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland oo wareegto kasoo baxday maanta shaqadii ka joojisay Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Saahid Sayn ayaa waxay soo saartay labo wareegto kale oo midna looga hakiyey in lacag laga saaro akoonada dawladda Hoose ee degmada Gaalkacyo midna Hanti-dhorwka guud looga codsaday inuu baaro.

Wasaaradda waxay dalbaday in baaris lagu sameeyo maamulka dawladda hoose ee degmadda Gaalkacyo dhaqaalihii soo galay sanadihii uu xilka hayey 2019ka iyo 2020ka oo iminka dhamaad ah.


Puntlandes.com

About The Author