Daawo muuqaal: Madaxweyne Deni oo go´aano kasoo saaray cabashada sarifka lacagaha isla markaana kahadlay ujeedka mudaharaadkii….
26 Dec 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland mudane Siciid Cabullaahi Deni ayaa ka hadlay cabashada sarifka lacagaha isla markaana wuxuu ku dhawaaqay go’aamo dowladdu qaadatay si loo xaliyo cabashooyinka loona illaaliyo qiimaha shillin soomaaliga.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay kadib markii ay la tashiyo ku saabsan sarifka doollarka dowladu la yeelatay aqoonyahanka iyo bulshada inay go’aansatay in canshuurta dekeda Bosaso lagu qaado shillin Soomaali 10% lacagta telefanada la isugu dirana ay dawladdu mabnuucday in wax ka yar 10$ la isugu diro.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay banaanbaxii ka dhacay caasimadda Puntland ee Garowe, maadaama uu ka weynaa banaanbax ku kooban sicir barar, kadib markii ay ganacsatada iska fogaysay tallaabadaasi isla markaana wax raad ahna ku lahayn.
Wuxuu sheegay inay dowladu ogtahay dadkii ka dambeeyey mudaaharaadkii ka dhacay magaalada Garowe, isla markaana ay doonayaan inay hoos u dhigaan sharafta Puntland.
Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay inay ka qaybqaataan Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka gaar ahaan magaalada Garowe, oo ay kasoo qaybgalayaan masuuliyiin sarsare oo isaga imaanaya dalka iyo dibadiisa.
Puntlandes.com