Muddo Xileedkii Baarlamaanka Somaliya oo maanta ku dhammaatay
27 Dec 2020 (Puntlandes) Waxaa maanta oo ku beegan 27 dicembar 2020 ku dhammaaday mudo xileedkii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la dhaariyey, maanta afar sano ka hor, 27 dicembar 2016.
Baarlamaanka 10aad oo lagu tilmaamay kii ugu tayo liitay Baarlamaanadii Soomaaliya, isagoo ku milmay Madaxtooyada iyo Fulinta ayey muddadii xil-heynta ka dhammaatay iyadoo aan la dooran Baarlamaan kale, isla markaana aanay jidka kusoo jirin doorasho la isla ogol yahay oo lagu soo saaro xildhibaanno cusub, waxaana weli lagu muransan yahay fulinta doorasho heshiis lagu yahay.
Madaxweynaha ayey isna waxay muddada xil-hayntiisu ku egtahay 8da febraayo 2021, taas oo ay inaga xigto 43 cisho oo kaliya, ilaa waqtigana ma muuqato wado dalku ku aadayo doorasho heshiis lagu yahay, waxaana diidan oo hor istaagay madaxweye Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Madaxweye Farmaajo ayaa noqonaya madaxweynhihii u horeeyey oo muddada xil-haynta Baarlamaanku ay dhamaato iyadoo aysan jirin doorasho heshiis lagu yahay oo dalka ka socotaa ama jidka kusoo jirta.
Maantna wixii ka dambeeya dalku ma lahan Baarlamaan iyo Xildhibaano gudanaya waajibaadkoodii dastuuriga ahaa maadaama uu muddo xileedkii ka dhamaaday ayna yihiin xildhibaan hore wixii maanta ka dambeeya.
Puntlandes.com