Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay oo dawlad Goboleedyada ka dalbaday inay bilaabaan Doorashada Aqalka Sare

27 Dec 2020 (Puntlandes)  Guddiga Doorashada ee lagu muransan yahay ayaa shaaciyey inay foomamka Doorashada iyo habraacyada u kala direen dawlad Goboleedyada dalka.

Guddigan oo jadwal degdeg dhowaan soo saaray si loo qabto doorashada Aqalka Sare ayaa qoraal kasoo baxay xalay saqdii dhexe kadib ku sheegay inuu dowlad Goboleedyada ka codsaday inay bilaabaan diiwaan gelinta iyo qabashada araajida musharixiinta Aqalka Sare.

Qoraalka Guddiga ayaa lagu yiri “Guddiga wuxuu u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare. Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday Dowlad Goboleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare”

Lama yaqaan mana muuqato sida ay ku hirgeli karto guddigga madaxweyne Farmaajo dabada ka riixayo inuu bilaabo doorasho aan heshiis lagu ahayn, gaar ahaan dawlad goboleedyada, Somailnd oo Muqdisho lagu qabanayo, gobolka Banaadir, gobolka Gedo, kuwaas oo uu qaarna maamulo qaatrna ay gacansaar  la leeyihiin Farmaajo.

Puntlandes.com

About The Author