Dowlada Federalka oo doonaysa in Beesha Caalamku bixiso dhaqaalaha ku baxaya Doorasho aan heshiis lagu ahayn

27 Dec 2020 (Puntlandes)  Kulan looga hadlayo dhaqaalaha ku baxaya Doorashada 2020/2021 ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalada Muqdisho sida uu shaaciyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Kulanka ayaa ujeedadiisu tahay sidii ay dowladu uga heli lahayd beesha caalamka lacagta ay u qorsheysay in lagaga caawiyo qabashada doorashada oo gaareysa $36 malyan oo dollar.

Wasiirka Maaliyada dowlada federalka ayaa dhowaan sheegay in lacagta ku baxeysa doorashada waxa ay dhan tahay $40 Milyan oo Dollar, lacagtaas saami ahaan dowladda Soomaaliya ayaa ka bixineyso lacag dhan $4 Milyan oo dollar taas oo ah 10% kaliya, halka Beesha Caalamka ay dawladdu ka doonayso inay bixiso $36 Milyan oo ah 90% lacagta ku baxaysa doorasha DFS.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in loo adeegsanayo lacagtaas Safarada Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo  heer Dowlad Goboleed, Goobaha ay degayaan xubnaha Guddiga, Xafiisyada shaqada, Tababarada Ergada iyo Gunooyinka howlwadeenada.

Waxaa xusid mudan inaysan socon ama jidka ku soo jirin doorasho heshiis lagu yahay, iyadoo maanta 27ka december uu dhamaaday muddadii xil-haynta Baarlamaanka Soomaaliya uusan dalku lahayn Baarlamaan.

Waxaana hor istaagay in la aado doorasho heshiis lagu yahay madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa ay ku egtahay 8da febraayo 2021ka, wuxuuna dhagaha ka furaystay baaqdaya Soomaalida iyo beesha caalamka oo uu hadda ka doonayo lacagta doorasho uu kaligiis qabsado.

Puntlandes.com

About The Author