Wasiirka Ganacsiga DFS oo kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha

28 Dec 2020 (Puntlandes) Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, isagoo magacaabay Guddi Kumeel gaar ah oo ka socda Shirkadaha Ganacsiga.

Guddiga KMG ee la magacaabay ayaa isugu jira Guddoomiye, labo Kuxigeen iyo 30 xubnood ka kala socda Shirkadaha Ganacsiga dalka.

Sababaha loo kala diray Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu sheegay dib u habeyn lagu sameeyo rugta iyo arrimo kale.

Guddiga Kumeel gaarka ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sii wadaya xil howleedka Ganacsiga iyo diyaarinta doorasho maamul hufan oo ay yeelato Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed muddo ku siman 60 cisho.


Puntlandes.com

About The Author