War deg deg ah: BAYAAN KASOO BAXAY SARAAKIISHA CIIDAMADA PUNTLAND

Warbaahinta maxabanaan ee Puntlandes.com ayaa waxaa la soo gaarsiiyey bayaan ka soo baxay sarakiisha Ciidamada Puntland. Bayaankan ayaa looga hadlayaa carqaladaha jira iminka iyo dhibaatooyinka ay Ciidamadu ka tabanayaan Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ay ka mid tahay xuquuq farabadan oo ay ka mid tahay Mushahaarkooda oo ka maqan Ciida,mada Qalabka sida ee Puntland.

Halkan hoose ka akhriso Bayaanka

BAYAAN KASOO BAXAY SARAAKIISHA CIIDAMADA PUNTLAND

  1. Waxaan cadaynaynaa inay Ciidamada Puntland ay  diyaar u yihiin Difaaca iyo Jiritanka Dawladda Puntland, Dalka iyo Diinta sidii ay horay ubalan Qaadeen ugunana Dhaarteen
  2. Waxaan u doodaynaa Xuquuqda Ciidan ee ay kamid tahay Mushaarkoodii Muddo 11 Bilood ah iyo Xuquuqdi Agoomaha ay ka  Geeriyoodeen Aabayaashood iyagoo Daafacayah Dalkooda, iyo Daryeelka ay mudanyihiin kuwa ku Naafoobay ama ku Dhaawacmay Dagaalada iyo Hawlgalada Gudo iyo Dibadba,.
  3. In lasiiyo Bilad sharaf , Abaal marin iyo Tixgalin Gaar ah laguna Xuso Halgankooda Taariikhda Dalka si jiilalka kacaya ay u Ogaadaan Geesiyadii Kahorayay.
  4. Waxaan ka digaynaa in Ciidanka Puntland laysu adeegsado oo laska horkeeno  iyagoo ah Ciidan isku mid ah oo aan kala lahayn Hayb Hayb iyo Koox Koox toonah oo dhamaantood Xuquuq doodii  kawada maqantahay annaguna Aan Wadar ahaan ugu wada Doodayno sidii ay u helilahaayeen, waxaa Ciidanka kareeban in iyaga Qaarkood Amar lasiiyo oo Fuliyaan, waxaan u sheegaynaa Ciidanka in Amarka Qaldan aysan kaqaadan Madaxda Bixinaysa sida Sharciga Ciidanku yahay ee lawada yaqaan laguna sooqaato Tababarka Ciidanka ee kala duwan.
  5. Khilaafka Taagan wuxuu ka dhexayaa Ciidamada Puntland Guud ahaan iyo Madaxda Dawladda Puntland. Mana aha mid u gaar ah Beel ama Koox gooni ah, waxayna khusaysaa Dawladda Sidii ay Xal uga gaarilahayd, Kuma Riixi karto Dawladdu Xilkeeda ay iyadu  ka baaqsatay Cidkale oo ayan khusayn Xalinteedu, Maa Daama Dawladdu Masuuliyadda ugu weyni Saarantahay Mushkiladdana iyadu Abuurtay,  Ciidanku waxay ka tirsanayaan Hagardaamo, Mushaarla’aan, Daryeel la’aan, iyo Taakulo la’aan iyagoo waliba sheeganaya in Cadowgoodii Gacanku Dhiiglaha ahaa Si bareer ah Xabsiyada oodda looga qaaday kuwa Xukuman iyo kuwa Xukun Sugayaal ahba, iyagoo Qaybtii Dagaalka kagalay ahaa  Dhanka Buuraleeyda Galgala isla markaasna Shirqool loodhigay in Lagu weeraro fariisimohooda iyagoo aan waxba ka ogayn si bareer ah, Arintu waa ka duwantahay Labada Sarkaal ee laga Qaaday Xilka.
  6. Waxaa si cad looga arkaa Ciidanka Puntland in ay layimaadeen Dulqaad, Adkaysi iyo Sarriigasho Dheeraad ah, iyagoo Duruufahaas Adag soomaray, walina ay diyaar u yihiin intii karaan kooda ah Difaaca Gudo iyo Dibadba iyagoo isku Duuban, Wixii Nabadda wax u dhimaya waxaa Masuuliyadeeda Qaadaya  Madaxweynaha Dawladda Puntland (Cabdiwali Gaas)

                                          GABA GABO

Waxaan kusoo Gaba Gabaynayaa in Xiliga ay ku jirto  Puntland yahay mid Halis ah aysana horay usoo marin Baylahna Taal loona Baahan yahay in Deg Deg loogusoo Gurmado Ciddii Danaynaysa Jiritaanka Puntland 

AFHAYEENKA Ciidamada Puntland Col  Maxamed Xaaji Aden

Tel: 7744182

Madaxa Saadka Ciidamada: Maxamed Dahir Jamac

Tel:7724406

 

About The Author