Sawirro: Beesha caalamka oo ku celiyey baaqoodii ahaa in la wadahadlo si loo hubiyo is-afgarad ballaaran oo laga gaaro hirgelinta doorashada
28 Dec 2020 (Puntlandes) Beesha Caalamka ayaa qoraal ka soo saartay lullan dhanka khadka ah oo ay shalay la yeelatay Ra´iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Maxa,med Xuseen Rooble iyo qaar ka mid ah wasiiradoiisa, waxaana kullanka diiradda lagu saaray doorashada, amniga iyo dhaqaalaha ku baxaya doorashadda.
Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta UNSOM ku leedahay facebook ayaa lagu yiri “Iyadoo ay weheliyaan saaxiibbada kale ee caalamiga ah, Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa lagu sharfay Axaddii in ay ka dhageysataan Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka tirsan wasiirradiisa arrimaha ku saabsan qorsheynta doorashooyinka, amniga iyo maaliyadda”
Waxaa kaloo qoraalka lagu caddeeyey inay Beesha caalamku taageerayso doorasho heshiisa lagu yahay, waxaana lagu yiri qoraalka “Saaxiibbadu waxa ay sidoo kale ku celiyeen baaqoodii ahaa in la wadahadlo si loo hubiyo is-afgarad ballaaran oo laga gaaro hirgelinta heshiiskii 17-kii Sebtember ee sanadkan”