Deg Deg: Amb Yuusuf Bari bari oo ku geeriyooday weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama
AUN Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xarunta Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee magaalada Geneva Amb. Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen galabta Hotel Maka Al-Mukarama.
Sida ay sheegayaan wararka Danjire Yuusuf Bari bari ayaa ku geeriyooday isbitaalka Madiina, markii uu si xun ugu dhaawacmay toogasho ka dhacday gudaha Hotelka, markii ay gudaha u galeen dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.
Allaha u naxariistii Yuusuf Baribari ayaa horay u soo noqday afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuu kalena oo uu soo noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Midowga Yurub.
Bahda warbaahinta Puntlandes waxay tacsi u diraysaa Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii uu ka geeryooday Amb Yusuf Baribari iyagoo Allah uga baryaya in uu janadiisa ka waraayibo Amiin.