Sawirro-muuqaal: Shirka Iskaashiga Amniga Puntland iyo Galmudug oo ka qaabsoomay Gaalkacyo

07 Jan 2021 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo waxaa ku qabsoomay shirka Iskaashiga Amniga, kaasoo ay shir guddoominayeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Dhabancad, iyo Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Md. Axmed M. Fiqi waxaana ka soo qeybgaleen wasiirro la tirsan Puntland iyo Galmudug, Maamulka Gobolka iyo degmooyinka Galmudug iyo Puntland, taliyaasha amniga iyo masuuliyiin kale.

Shirka waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Galmudug iyo Puntland, gaar ahaan arrimaha amniga. iyo wada-shaqaynta hay’addaha amniga labada maamul ee Puntland iyo Galmudugn iyo sidoo kale dadaalada lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland mudane Dhabancad ayaa gabagabdii shirka bogaadiyey iskaashiga iyo wada-shaqaynta maamuladda iyo hey’adaha amniga labada dawladood ee Puntland iyo Galmudug,

Ugu danbayn waxaa shirku isku raacay in la sii joogteeyo shirarka iskaashiga amniga, wadashaqaynta amniga labada maamul,

Puntlandes.com

About The Author