Sawirro: Wasiirka caafimaadka Puntland oo Galkacyo ka daahfuray xafiiska cusub ee Isuduwaha caafimaadka Gobolka Mudug

07 Jan 2021 (Puntlandes) Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa maanta furay dhisme casri oo loo dhisay isuduwaha wasaaradda caafimaadka Gobolka Mudug.

Mashruucaan ayaa qayb ka ahaa mashaariic ay maalgalisay dawalada Jermalka ayna fulisay hay’adda qara, Mashruuca waxaa maalgalisayy dawlada Jermalka waxaana fulisay Hayadda qaramada midoobay ee UNICEF, dhismaha isuduwaha wasaarada caafimaadku waa dhisme ay udhamaystiran dhamaan qaybihiisii kala duwanaa sida qaybtii xafiisyada, qaybtii shirarka, qaybtii kaydinta daawada (wirehouse) iyo qaybo kale oo muhim ah, waxaa loo dhisay si casri ah.

Dr Hashi Musse oo kasocday UNICEF ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay dhismaha wasiirka wasaarada caafimaadka waxaana uu kula dardaarmay in sida ay tahay looga faa’iidaysto.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa uga mahadceliyay dawlada Jermalka hirgalinta mashruucaan iyo kuwa kale oo qaybna la dayactiray qaybna dhismayaal cusub laga hirgaliyay maalgalisay, sidoo kale waxa uu uga mahadceliyay hay’adda UNICEF oo mashaariicdaan fulinaysay iyo wasaaradda oo korjoogtaynta iyo la xisaabtanka lahayd.

Wasiirka ayaa masuuliyiinta caafimaadka gobolka Mudug iyo shaqalaha caafimaadka kula dardaarmay inay sii laba jibaraan adeega ay bulshada uhayaan,sida ay tahayna uga faa’iidaystaan.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirkuxigeenka wasaaradda uu sidaan oo kale u daahfuray dhisme lagu soo kordhiyay xafiiska isuduwaha Gobolka Nugaal.

Mashaariicdaan ayaa qayb ka ah dadaalada loogu jiro kor uqaadida iyo helitaanka xafiisyo ku haboon maamulka gobolada ee caafimaadka.


Puntlandes.com

About The Author