Dowladda Federaalka oo Ciidamada loo yaqaan Haramcad ka dejisay Beledweyne

09 Jan 2021 (Puntlandes) Illaa saddex diyaaradood oo Ciidamo ka daabulay magaalada Muqdisho ayaa saaka ka degay magaalada Beledweyne, waxaana ciidamadan ay ahaayeen ciidanka booliska gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramcad.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in dowladda Federaalka ugu tala gashay si ay uga qeyb qaataan howlaha sugida amniga doorashooyinka kuraasta Xildhibaannada ee dhowaan ka dhici doono Beledweyne.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in Ciidamadaas weerar ku qaadaan Jeneraalka lagu magacaabo Xuud oo hoggaamiya maleeshiyooyin hubeysan oo si weyn uga soo horjeeda Maamulka Hirshabelle.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa todobaadyo ka hor ka dhacay bannaan baxyo rabshado wata oo ay dhigeen dadka deegaanka, kuwaasoo ka soo horjeeda Maamulka Hirshabelle, sidoo kale waxaa ay taageero u muujiyeen Jen. Xuud.

Dowladda Federaalka ayaa sidan oo kale ciidamo ugu daabushay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb oo ay ka dhaceen doorashooyinkii dowlad goboleedyada, sidoo kale waxaa jiray ciidan aan badneyn oo la geeyay Jowhar, xilligii doorashadii Madaxweynaha Hirshabeelle dhammaadkii sanadkii hore.

About The Author