Daawo Video: Madaxweyne Qoorqoor oo taageeray in MD Farmaajo dalka ka qabto doorasho aan lagi midaysnayn

09 Jan 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay inuu fashilmay dadaalkii uu ka dhex waday Madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo kuwa Federaalka ah, isagoo taageeray in madaxweyne maxamed Cabdulaahi Farmaajo dalka ka qabto doorasho aan lagu midaysnayn.

“Waa muhim in la helo macluumaad howshii socotay baryahan, sidaad la socotaan waxaa jiray dadaalo todobaadyadii la soo dhaafay socday oo aan ku tagay magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Muqdisho, Si la isugu soo dhaweeyo aragtiyada kala duwan ee laga qabo sidii doorashooyinka dalka horay loogu sii wadi lahaa, aniga oo taas ka duulay waxaan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ka codsaday in muddo gaaban dib u dhigaan jadwalka doorashooyinka si fursad loo siiyo xalinta tabashooyinka ay qabaan Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta kale”ayuu yiri

Madaxweyne Qoorqoor oo sii hadlayay aya ayiri “Waxaa wada hadalo la yeeshay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxaan uga mahadcelinayaa iney iga aqbaleen inaan kawada shaqeyno sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay ee Doorashooyinka ee ku qabsoomi lahaa waqtigeeda. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Denni oo runtii ila qaadanay xal u helista arrimaha lagu kala duwan yahay.

Madaxweyne Qoorqoor wuxuu kaloo sheegay in uu gudanayay waajibaad mas’uuliyadeed sida uu sheegay isaga oo ka duulayay goglihii Dhuusamareeb oo asalka heshiiska doorashada aheyd, wuxuu eedda si farsameysan ugu jeediyay Madaxda Puntland iyo Jubbaland.

“Markii Madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo dhinacyada kale aan isbuucii lasoo dhaafay ku shirnay Garowe, waxey si sharaf leh iigaga aqbaleen dhexdhexaadintii aan u istaagnay waxeyna iisoo dhiibeen qodobo sida soomaalida la wada socoto seddex ah, oo ay ka dalbanayaan Madaxda DF iyo dhinacyada kale iney fuliyaan si loo soo afjaro tabashada ay ka qabaa arrimaha Doorashooyinka. Kabid waxaan kusoo laabtay Muqdisho aniga oo shirar la galay Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS intaas kadib waxaan dib ugu celiyay Madaxweyne Saciid Denni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dhinacyadii kale ee tabashada qabay go’aankii Madaxda Federaalka ee ku saabsanaa Doorashooyinka si isgoyska haatan la taagan yahay looga dhaqaaqo, dalkana ay uga dhacdo doorasho heshiis lagu yahay oo waqtigeeda ku qabsoonta waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo in aysan wali wax jawaab ah ka soo noqon saaxiibadeey Madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo dhinacyadii kale, dhexdhexaadintii aan halkaan u imid iyo natiijadii wanaagsaneyd iyo tanaasulkii ay muujiyeen Madaxda qaranka, waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed iyo inta doorashooyinka daneyneysa halkaan kala wadaago, in Dowlad Goboleedka Galmudug ay sameysay intii karaankeeda ah sidii dalkaa lagu gaarsiin lahaa hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay si horay loogusii wado dowlad dhisidda dimoqraadiyeynta dalka aanan laga lumin waqti dambe oo dheeraad ah waddan si doorashada ay ugu dhacdo waqtigeedii.


Puntlandes.com

About The Author