Daawo Video: DF oo beenisay shirkado Shidaal oo ay doonaysay inay heshiis la gasho, ma tahay sababtu?

09 Jan 2021 (Puntlandes) Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay inay jireen shirkado Shidaal oo ay doonaysay inay heshiis Shidaal soo saaris la gasho.

Wararka ayaa waxay sheegayeen in laba shirkadood madaxdoodu ay soo gaareen magaalada Muqdisho si ay heshiis ula galaan dowladda Soomaaliya, labada shirkad ayaa kala ahaa Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration oo horay loo oran jiray SOMA OIl & GAS.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in aysan jirin xilligaan shirkado heshiis shidaal qodis lala saxiixday, sidoo kalena lala saxiixanayo.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa xaqiijiyey in dawladda Federaalku ay doonayso inay heshiiskaas gasho si madaxda dawladu u helaan lacag farobadan, laakiin waxaa cadaais xoogan saaray Beesha caalamka oo markii dambe ku guulaysatay inay ku cadaadiso shirkadahaas inay isaga tagaan Muqdisho wax heshiis ahna aysan la gelin DFS.



Puntlandes.com

About The Author