Sawirro: Madaxweyne Deni oo ka qeybgalay Shirka DFS iyo Dowladdaha xubnaha ka ah oo uu weheliyo maamulka Gobolka Banaadir
03 Feb 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay Shirka DFS iyo Dowladdaha xubnaha ka ah oo uu weheliyo maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkaan oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Md. Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Denni, Madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha Hirshabeelle Md. Cali Guudlawe, Madaxweynaha Koofur Galbeed Md. Cabdicasiis Laftagareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdishu Md. Cumar Maxamuud Filish.
Shirkaan ayaa looga arrinsanayaa xalinta tabashooyinkii la xiriiray Hanaanka Doorashada qaranka ee lagu heshiiyay 17kii September 2020.