Sawirro-muuqaal: Shirkadda Diyaaradda Ethiopia Airline qaybteeda Cargo oo ka shaqo bilowday Bosaso
03 Feb 2021 (Puntlandes) Munaasabada Daah-furka ayaa waxa Goob-joog ahaa Wasiirka wasaarada Duulista Hawada Dowladda Puntland, Qunsulka Ethiopia u fadhiya Puntland, Xildhibaan, Ganacsato ka soo jeeda dalka Ethiopia, Maamulka Airport Bosaso, Ganacsatada Gobolka Bari, Iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda.
Daahfurka Diyaarada Ethiopian Airlines qeybta Cargo ayaa sii xoojinaysa xirriirka ka dhaxeeya labada dhinac ee Puntland Iyo Ethiopia, Diyaaradan ayaa Magaalada Bosaaso ka qaadeysa kaluun loona qaadi doono Magaalooyinka Ethiopia.
Qunsulka Ethiopia u jooga Puntland Iyo Ganacsatada Dalka Ethiopia ayaa Dhankooda balan qaaday in ay Dowladda Puntland Iyo Ganacsatada Gobolka Bari kala shaqeyn Doonan sidii loo xoojin laha Xirriirka Labada dhinac iskaashiga dhaqaalaha Iyo Hormarka Puntland.
Guddoomiye Cabdisamad Abwaan ayaa ku soo dhaweeyay Gobolka Bari Qunsulka Ethiopia ee u fadhiya Puntland Iyo Ganacsatada Dalka Ethiopia waxa uuna ku boogadiyay in la xoojiyo xirriika labada dhinac ka shaqeeynta Hormarka Iyo Dhaqaalaha Puntland.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo dadaal dheer ku bixiyay Daah-furka Diyaaradan mar walibana ahmiyad gaar ah siiya sidii loo xoojin lahaa xirriirka kobaca dhaqaalaha iyo Hormarka Dowladda Puntland ee kala dhaxeeya Dowladdaha Caalamka.
Gudoomiyaha ayaa dhanka kale u mahadceliyey Wasiirka wasaarada Duulista Hawada Iyo Garoomada Dowladda Puntland Mudane ilayaas lugator oo in mudo ah ka soo shaqeeyay sidii loo Daah-furi lahaa Diyaarada Ethiopian Airlines qeybteeda Cargo.