Sawirro-muuqaal: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey xeerka Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha oo meel mihii u danbeeyey ay ka doodayeen
04 Feb 2021 (Puntlandes) Baarlamaanka Puntland ayaa maantay ansixiyey xeerka Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha oo meel mihii u danbeeyey ay ka doodayeen.
Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha ayaa si faah-faahsan uga hadlaya dadka xaqa u leh is diiwaan-gelinta, habka diiwaan-gelinta, hir-gelinta wacyi-gelinta diiwaanka cod-bixinta, waxa uuna ka kooban yahay 36 Qodob.
Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa cod u qaaday Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha waxaana u codeyay Ogol 40 Xildhibaan, Diidmo 2, Aamus 0 Mudane.
Xeerkaan ayaa muhiim ah hanaanka dimuqraadiyada Puntland oo la filayo in bartamaha sanadkaan toorashada golaha deegaanka tijaabo ahaan loogu qaban doono 3 degmo oo kamid ah degmooyinka gobalada Nugaal,Bari iyo Karkaar.