Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ku laabtay, khudbad na ka jeedin doona Baarlamaanka
06 Feb 2021 (Puntlandes) Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goordhow dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib markii shirkii Dhuusamareeb uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii diyaaradiisa soo caga dhigatay garoonka u sii gudbay madaxtooyada, isagoo aan ku hakan VIP Garoonka.
Ciidamada Koofiyo Casta ayaa saakay xiray wadada hormarta Dekeda Muqdisho illaa Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde.
Waxaa la filayaa in Baarlamaanka uu la hadlo saacadaha soo socdo, xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa haatan ku sugan xarunta baarlamaanka iyadoo loo diiday saxafiyiinta inay gudaha u galaan xarunta Baarlamaanka.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa tallaabo aan laga maarmin ku tilmaamay hortagista Madaxwene Farmaajo ee Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama uu sheegay in uu kala hadlayo arrin maslaxo u ah dalka.
Tan illaa xalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socday abaabulka kulanka maanta ee Xildhibaanada Baarlamaanka, kaasi oo ay wadeen Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda oo doonaya in kulankaas uusan baaqan.
Dhanka kale Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shaaciyay in aysan jirin kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada oo uu soo codsaday Madaxweyne Farmaajo, hayeeshee waxaa arrintaas ka horyimid Senataro ka tirsan Aqalka Sare oo sheegay inay ka qeyb geli doonaan kulankaas.
Puntlandes.com