Ciidamo aan ka amarqaadan DFS oo la wareegay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

07 Feb 2021 (Puntlandes) Wararka ka imanaya degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka degmadaas ay la wareegeen Ciidamo hore uga tirsnaa Maamulkii Ahlusunna Waljameeca.

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka kana tirsan Taliska qeyta 21-aad ee xoogga dalka ayaa waaberigii horey ee saaka qabsaday guud ahaan Matabaan.

Ciidankan ayaa waxa ay la wareegeen xarumo muhiim ah oo ku yaalla degmada, sida baraha koontaroolada lasoo galo Matabaan iyo Saldhiga Booliska, xili ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka qeyta 21-aad ee xooga dalka oo ay uga hadlayaan Ciidanka la qarameeyay ee horey uga tirsanaa Maamulkii Ahlusunna Waljameeca ee la wareegay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Puntlandes.com

About The Author