Akhriso xeerkii uu Xasan Sheekh ku hakiyey awoodaha fulinta oo dhan
07 Feb 2021 (Puntlandes) Waxaa muddo xileedka dastuuriga ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka hartay saacadoo oo keliya, isagoo 8da febraayo wixii ka bilowda noqon doona madaxweyne hore sida uu dhigayo qodobka 91aad ee dastuurka KMG ah, halkan ka akhriso muddo xileedka Farmaajo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, markii ay 5 maalin ka dhinneyd muddadiisa dastuuriga ah oo ku beegneyd 5-tii September 2016-kii iyadoo uu ku ekaa muddo xileedkiisu 10ka September, ayuu soo saaray wareegto ku saabsan habraaca dowladda waqtiga doorashada, waxaa uu joojiyey in maalintaas kadib aaney dhici karin:
1. Magacaabis ama shaqo ka joojin sare ee dowladda ama dalacsiin saraakiisha ciidamada qalabka sida
2. Lama badali karo dhismaha hadda jira ee hey’adaha dowladda oo dhan
3. Lama bixin karo kharajyada aan ku jirin habraaca miisaaniyadda 2016-ka, marka laga reebo kharajka 40% ee dowladda kasoo aaday kabka dhaqaalaha doorashada .
4. Lama geli karo heshiisyo iyo qandraasyo cusub oo aan ka aheyn kuwii horay u socday, sidoo kale lama geli karo balanaadyo qarash.
Madaxweyne Farmaajo oo ay maanta ku eg tahay muddo xileedkiisu ma soo saarin wareegto uu ku hakinayo awoodaha fulinta, waxaana uuna Baarlamaanka oo muddo xileedkiisu dhamaaday 27kii december kala shaqeeyey inuu baalmaro sharciga oo ansixiyo arimo masiiri ah.
Farmaajo ayaa khudbad uu Golaha Shacabka shalay u jeediyey ku sheegay inuu sida Baarlamaanka sii shaqayn doono inta laga helayo madaxweyne lasoo doorto oo bedela, hadda isagaa diiday doorasho mana soo socdo hadda madaxweyne bedela maadamaa aysan dalka ka socon doorasho.
Hoos ka akhriso Wareegtada uu Madaxweyne Xasan ku hakiyey awoodaha fulinta Seeptember 5, 2016