Farmaajo oo iclaamiyay shir madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir

09 Feb 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

War ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in shirkan uu ka furmi doono 15ka bishan Febraayo Caasimadda Puntland ee Garowe, kaas oo dhameystir u ah fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojinayso dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyadoo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020.

Warkan ka soo baxay Madaxtooyada ayaa yimid xilli ay maanta kulan yeesheen Madaxweynaha xilligiisii dhamaaday iyo guddoonka baarlamaanka iyagoo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka.

Puntlandes.com

About The Author