Madaxweynaha xilhayntiisii dhamaatay iyo guddoonka Golaha Shacabka oo kulan yeeshay
09 Feb 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka la qaatay guddoonka Golaha Shacabka.
War qoraal ah oo lagu qoray barta Facebook ee Villa Somalia ayaa lagu yiri Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wada hadalo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, waxayna diiradda saareen sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd.
Faahfaahin lagama bixin kulanka iyadoo ay xusid mudan tahay inuusan kulanka ka qaybqaadan gudoonka Aqalka Sare oo ay ahayd inuu ka qayb galo kulanka talana ku yeesho arimaha socda, Farmaajo ayaa mid aan shaqayn ka dhigay intii aysan dhamaan xilhayntiisu.
Puntlandes.com