Maxamed Yuusuf Xaaji oo ku geeriyooday magaalada Nairobi

15 Feb 2021 (Puntlandes) Waxaa magaalada Naiorbi ee dalka Kenya ku geeriyooday Maxamed Yuusuf Xaaji oo muddo dheer kamid ahaa siyaasiyiinta Soomalida ee dalka Kenya.

Maxamed Yuusuf Xaaji oo ah senetarka ismaamulka Gaarisa, kana tirsanaa aqalka sare ee dalka Kenya ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyay xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo isna laga soo doorto magaalada Gaarissa.

“Muddo afar ilaa iyo shan bilood ayuu xanuunsanayay, marka horena sinta ayaa laga hayay, dalka Turkiga ayaana lagu soo daweeyay”, ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Maxamed Yuusf Xaaji ayaa muddooyinkii dambe hogaaminayay guddi loo xil saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badel la doonayay in lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya.

Marxuumka ayaa horay usoo noqday wasiirkii difaaca ee dalka Kenya, xilligii madaxweyne Mwai Kibaiki, wuxuuna sidoo kale soo noqday barasaab gobol iyo xildhibaankii deegaanka Ijara ee ismaamulka Gaarisa.

Wuxuuna marxuumka oo aad loogu yaqaano magaca Yusuf Xaaji uu dhashay sannadkii 1940-kii, wuxuuna ku dhashay gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida ay degto ee Kenya, gaar ahaan Garissa. Waxa uu dhalay illaa 9 carruur ah.

Waxaa caruurtiisa ka mid ah Nuuradiin Yusuf Xaaji oo ah dacwad oogaha guud ee Kenya, kaas oo lagu garanayo in uu dacwado ku oogo siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedee

About The Author