Farmaajo oo Saxiixay Xeer Kale oo aan Sharci ahayn
15 Feb 2021 (Puntlandes) Waxaa markale soo baxay in madaxweeynaha Waqtigiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu saxiixay guddiga madaxabanaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa, arrintan ayaa imaaneysa iyadoo welli muran ka taagan yahay saxiixiisa dhameystirka guddiga Golaha Adeegga Garsoorka.
Warqad ka soo baxday xafiiska madaxweeynaha ayaa lagu meel mariyay 9 xubnood oo ka mid noqonaya guddiga madaxabanaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa.
Qoraalka ayaa waxa ku taariikheysan 30 bishii 12-aad sanadkii tagay 2020, waxaana durba soo baxaya shaki ku aadan sharci ahaanshaha hanaanka lagu soo xulay xubnaha , iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay sheegen in markale ansixinta guddiyadan ay muujineyso sida uu Farmaajo ugu tumunayo dastuurka .
Sida ku qoran xeerka lagu dhisay guddiga qodobkiisa 10-aad, waxaa la horgeeyo baarlamaanka federaalka ah labadiisa aqal.
Guddiga musuqa waxaa ay ansixiyeen golaha shacabka November 16, laakin Aqalka Sare oo loo gudbiyey 22-kii isla bishaas, weli waa uu ansixin laakiin waxaa ay ka war heleen inuu Farmaajo saxiixay.
Dhanka kale sida ku cad dastuurka waxaa Xeerka madaxweyne saxiixo lagu faafinayaa muddo 24 saac udaheed ah, taas oo ahayd in ugu dambayn ay madaxtooyadu faafifiyo 31kii dec 2020, halka ay shalay faafisay.
Puntlandes.com