Sawirro-muuqaal: Warsaxaafadeed ay soo saareen Isimada, Odayaasha, Aqoonyahanka, Siyaasiinta & qaybaha Bulshada ee kala duwan ee Beesha Majeerteen ee DDS
15 Feb 2021 (Puntlandes) War saxaafadeed ay soo saareen Isimada, Odayaasha, Aqoonyahanka, Siyaasiinta iyo qaybaha Bulshada ee kala duwan ee Beesha Majeerteen.
HORDHAC
Qaybaha kala duwan ee Beesha ee ku sugan Magaalada jigjiga ayaa Kulan ku yeeshay Magaalada jigjiga.
Waxayna isla lafa-gureen Walaaca ay beeshoodu ka qabto soo saarista liiska goob codaynta (polling-stations) ee Degmada Wardheer iyo Go’aanka Xisbiga Barwaaqo ee ku aadan sida loo sharaxayo Xubnaha Baarlamaanka ee Degmada Wardheer.
Sidaas darteed anagoo ka duulayna sooyaalka Taariikheed ee doorashooyinka ee Degmada Wardheer.
• sanadkii 1995 IT, doorashii dhacday waxay Beesha majeerteen heshay 4 Xubnood oo uu ku jiro Xildhibaanka Heer-Federaal
•halka intii ka dambaysay uu Xisbiga D.SH.S uu go’aamiyay in 2 xubnood majeerteen la siiyo, halka Beelaha kalena 3 xubnood loo qoondeeyay iyadoo Beesha majeerteen ayna ku qanacsanayn go’aankaas illa waagaas.
Hadda Beesha majeerteen waxay ka xuntahay Walaacna ka muujinaysaa Hab-dhaqanka Hogaaminta Xisbiga Barwaaqo iyo xukuumada Deegaanka oo soo jeediyay wax-qayb iyo Qaybin duudsinaysa Xaquuqda siyaasadeed ee Beesha majeerteen taasoo ah:-
in goob codayntii (polling-stations) beesha majeerteen ku lahayd Degmada Wardheer in laga tagay, halka dhanka Galbeedka ee Degmada Wardheer lagu daray
41 goob-dooraasho oo Guud ahaan Gobolka Doollo wadalahaa kana timaaday Komoshinka Komoshinka doorashada heer-qaran.
Arintaas oo sicad oo umuujinaysa in la duudsinayo xaquuqda muwaadiniinta ee Dastuurku udamaanad qaaday ee “Qodobka 38 aad TFDI”.
waxaan ognahay haduusan muwaadinku haysan Goob uu ka codeeyo ama uu ka cod-bixiyo inuusan wax dooran-Karin, lana dooran-karin islamarkaana xaqiisa la duudsiyay.
Waxaan kaloo ognahay in xeerka-cusub ee doorashooyinka Itoobiya inuu xadidayo (restriction) tirada cod-bixiyayaasha ee halka goob cod-bixin (polling-station) sida ku cad qodobka 15 aad ee xeerka lamber No. 97/2019.
Tusaale ahaan:- waxaan halkaan idinku soo gudbinaynaa Goobaha doorashooyinka laga tagay ee horay ugu jiray waxay ka badanyihiin 20 Sentar sida.
1. Cagaarweyne
2. Odowaa
3. Nagaardaale
4. Diilincaano
5. Miirkhaliifo
6. Uu-uule
7. Toon-xabaalan Iyo Qaarkale oo badan
■ Xukuumada DDS iyo Xisbiga Barwaaqo waxay si ulakac ah uga tageen
goob cod-bixintii Beesha Majeerteen halka Beelaha kale kuwo cusubna loogu daray kuwoodii horena loo daayay si loo fuliyo soo jeedinta dulmiga ku dhisan ee musharaxiinta Xisbiga ee hadda laqabanayo.
Anagoo og in goob codbixintu ku salaysantahay tirakoobkii hore ee heer-qaran ee aysan ahayn qoondo xukuumad iyo xisbi bixiyey
GO’AANKA BEESHA MAJEERTEEN
■ waxay Beeshu go’aansatey ayadoo ka duulaysa kulamadii Madaxwaynaha ee 7 jeer aan laqaadanay kuwaas oo ayna waxba kasoo bixin, waxna laga fulin balanqaadyadii uu nala galay.
In shirweyne layskugu yimaado Magaalada Wardheer si looga tashado Arimaha Masiirigaa, siyaasadda iyo doorashooyinka.
In Qoomiyada majeerteen ee Gobolka Doollo ay usoo baxaan banaanbax nabadeed oo ay ku raadsanayaan xaquuqahooda.
BAAQ
Xukuumada iyo Xisbiga PP waxaan ugu baaqaynaa
In si deg-dega ah loo saxo goob cod-bixinta
Komoshinka doorashooyinkana maadaama uu hayo diiwaanka goob doorashooyinka inuu saxo si loo sugo xaqqa muwaadinka
Hadii aysan xukuumadu iyo Xisbigu Barwaaqo ay wax ka qaban waayaan cabashadaas waxaan cadaynaynaa inaan ka qaybgalayn doorashada dhamaan shacabka Beesha majeerteen, dulmina aan gacantayada lagu ku horseedayn.
“Waxaa qoray Gudiga beesha Majeerteen” Askm.