Farmaajo oo iclaamiyay shir madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir kaasoo Muqdisho kadhici doona

17 Feb 2021 (Puntlandes)  Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in shirkan uu ka furmi doono 18-19ka bishan Febraayo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaas oo dhameystir u ah fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Shirka wadatashiga ah ay saldhig u noqon doonaan talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020.

Waxaa xusid mudan inay Madaxtooyadu barta ay Facebook ku leedahay ku shaacisay saxda dhexe oo ay bilaabatay taariikhda 18ka Fabraayo taas oo ay ku sheegtay inuu shirku furmayo, aysana jirin madax ka tirsan dawlad goboleedyada oo iminka ku sugan Muqdisho.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka Madaxtooyadda

Madaxweyne farmaajo oo shir isugu yeeray madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo g/ banaadir

Muqdisho, Febaraayo 17, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan:

1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.
2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.
4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.
DHAMMAAD

About The Author