Sawirro: Musharaxiinta Madaxweynaha oo kormeer ku tegey Daljirka Dahsoon

18 Feb 2021 (Puntlandes) Iyadoo ay sii kordhaya diyaargarowga ay Midowga Musharaxiinta iclaamiyeen in la isugu soo baxo fagaaraha daljirka dahsoon ayaa waxaa kjormeeray taalada Daljirka Dahsoon qaar ka mid ah Musharaxiinta.

Musharaxiinta gaartay Daljirka Dahsoon ayaa waxaa galbinayay ciidamo badan iyadoo Musharaxiinta ay degeen hotelka Naasahablood2.

Qaar ka mid ah musharxiinta ayaa ka hadlay barxada daljirka dahsoon waxaana ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha midowga musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Mudaaharaadka waa mid nabadeed waa mid lagu xoojinayo amniga,madaxweynaha waqtigiisa waa dhamaaday waxa uu ka mid yahay musharaxiinta cid colaad gaar ah u qabta ma jirto.”ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

“Waxaa la aaminsan yahay inaad doorashada caqabad ku tahay ee doorashada ka hor wareeg.”ayuu sii raaciyay.

Musharaxiinta ayaa ku adkeysanaya inay qabtaan banaanbaxa loogaga soo horjeedo Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ee Farmaajo,iyadoo dowladuna mamnuucday isu imaanshaha.

Musharaxiinta ayaa waxa ay sheegeen inay diyaareen qalabka loogaga hortago fiditaanka cudurka Covid 19 sida afxirka,gacmo dhaq iyo weliba gaadiidka gurmadka deg-degga ah.



Puntlandes.com

About The Author