Daawo muuqaal Dowlada Federalka ee mudo xileedkeedu dhamaaday oo si kulul u eedesay xukuumada Imaaraadka Carabta
21 Feb 2021 (Puntlandes) Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mudo xileedkeedu dhamaaday ayaa eedeyn kulul u soo jeedisay dowladda Imaaraadka Carabta kadib markii qoraal ka soo baxay ku tilmaantay dowlada federalka mid ku meelgaar ah.
Shir jaraa’id oo uu qabtay sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka iyo Imaaraadka uu ka dhexeeyay xiriir wanaagsan oo ku saleysan ganacsi.
“Qoraalka ka soo baxay Imaaraadka waxaa uu cadeynayaa in saraakiisha Arrimaha dibadda imaraadka ay qeyb ka ahaayeen dibindaabyada sanadihii la soo dhaafay lagu haayay Soomaaliya, taas oo sicad uga hor-imaaneysa qeynuunka Caalamiga ah, waxaan waqtiga loo baahdo iyada oo cadeymaheeda wadata soo bandhigi doona hay’adaha quseyso” ayuu yiri Wasiir Dubbe.
Imaaraadka ayuu sheegay Wasiirka inay doonayaan in Soomaaliya lamid noqoto dalalka Liibiya iyo Yamen, isla markaana ay rabto in dalka ay abuurto barakac iyo dib u dhac, taasina ay tahay mid dadka Soomaaliyeed ka feejigan yihiin.
Dowlada Federalka ayaa ka dalabtay in Imaaraadka Carabta ay cudur daar ka bixiso Qoraalkii ay Doiwlada Federalka Soomaaliya ugu yeertay Kumeelgaar, kana gashay gef Qarannimada Soomaaliya.
Puntlandes.com