Guddiga Doorashooyinka oo ka dalbaday Dowlada Federalka iyo Dowlad goboleedyada inay fuliyaan heshiiska Sep 2020
01 Mars 2021 (Puntlandes) Qoraal ka soo baxay guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka 2021-ka ayaa loogaga dalbaday dowlada federalka iyo maamul goboleedyada dalka inay fuliyaan heshiiskii Sep 2020.
Sidoo kale qoraalkan ayuu guddigu ku soo dhoweeyey heshiiskii Hotel DECALE,waxana uu ugu baaqay dowlada federalka iyo midowga musharaxiinta in ay sii wadaan dadaalladooda xalka looga gaarayo doorashooyinka.
“Guddigu wuxuu soo dhoweynayaa heshiiskii dhawaan ay wada galeen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa is fahamka waxyaabihii dhacay, waxaana guddigu ku boorrinayaa in ay sii wadaan dadaallada la isugu soo dhoweynayo dhinacyada siyaasadda iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka, si wadanka ay uga qabsoonto doorasho loo wada dhan yahay oo xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay guddiga doorashooyinka.
Qoraalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay maanta markale hotel Decale ku kulmayaan Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.
Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka
Puntlandes.com