Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy oo 3 sano oo xarig ah lagu xukumay

01 Mars 2021 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa lagu xukumay seddex sano oo xarig ah kadib markii lagu helay musuqmaasuq.

66 jirkan ayaa lagu helay dambi ah inuu isku dayay inuu laaluush siiyo garsoore isaga oo siiyay shaqo si uu uga helo macluumaad ku saabsan kiis dambiyeed kale oo ka dhan ah Sarkozy.

Waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Faransiis ah oo lagu xukumo xabsi. Qaadiga iyo qareenki hore ee Sarkozy ayaa isku xukun lagu riday. Dhamaan seddexda eedeysane ayaa la filayaa inay racfaan qaataan.

Go’aankaas ayuu garsooraha magaalada Paris ku sheegay in Sarkozy uu sanad ku qaadan karo gurigiisa isagoo wata qalab elektaroonik ah, halkii uu xabsi geli lahaa,waxaana laga cafiyay labo sano.

Dacwad oogeyaashu waxay codsadeen in Sarkozy lagu xukumo afar sano oo xarig ah, kalabarna waa la laali doonaa.

Kiiska wuxuu ku saleysnaa wadahadal dhexmaray garsooraha ku lugta leh, Gilbert Azibert, iyo Thierry Herzog, oo ah qareenka Sarkozy ee xilligaas, oo ay booliisku duubeen 2014.
sidoo kale Sarkozy waxaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago kiis gooni ah, laga bilaabo 17ka Maarso ilaa 15ka Abriil, taas oo la xiriirta waxa loogu yeero arrinta Bygmalion.

Sarkozy waxaa lagu eedeeyay inuu si musuqmaasuq ah u musuq maasuqay ololihiisii madaxweynenimo ee 2012. Wuxuu madaxweyne ahaa ilaa 2007 – laakiin doorashadiisii ku celiska ahayd ee 2012 markale kuma guuleysan.

About The Author