Farmaajo oo iclaamiyay shir shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka
01 Mars 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in 4-ta bisha Maarso oo ku beegan khamiista soo socota inuu martigelinayo munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii la xiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta”ayaa lagu yiri War saxaafadeed goordhow ka soo baxay Villa Somalia.
Shirkan uu iclaamiyay Farmaajo ayaa ku soo aaday, iyadoo is faham laga gaaray shirkii u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta, kuwaasoo shirkooda caawa ka soo baxay dhismaha Guddi isku dhaf ah oo loo saaray qaban qaabada bannaan baxa nabadeed iyo baaritaanka madaxa bannaan ee dhacdadii 19 February.
Dhinaca kale waxay caaw sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta ay shir kale ku balameen maalinta khamiista ah ee 4ta bishaan, taas ku beegan maalinta Farmaajo iclaamiyey shirka.
Sidoo kale sabtida soo socota oo ay bishaan Maarso tahay 6da ayaa waxaa taalada Daljirka Dahsoon ka dhacaya banaanbax ay soo abaabuleen Midowga Musharaxiinta.
Puntlandes.com