Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee dowladda Puntland oo xabsiya ku xukuntay weriye Kilwe

03 Mars 2021 (Puntlandes) Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee dowladda Puntland ayaa saddex bilood oo xabsiya ku xukuntay weriye Kilwe Aadan Farax oo dowladda u xirnaa muddo 60 cisho ah.

Maxkamaddu waxay sheegtay in xeer ilaalinta aysan soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya eedaynta loo jeediyay weriye Kilwe, taasoo ahayd in uu duubay sawirka madaxweyne Deni oo la jeexjeexayo.

Xukunka lagu riday weriye Kilwe Aaden, wuxu ka soo bilaaban maalintii la xiray oo ku beegnayd 28 December 2020 sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

About The Author