Madaxweynaha Jubaland oo caawa kulan la qaatay Wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan

09 Mars 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) ayaa caawa kulan la qaatay Wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulankan oo ka dhacay hoyiga uu Madaxweynahu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho waxaa lagaga hadlayay arimaha Doorashada.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha arimaha Doorashada ka taagan.

Madaxweynaha Jubaland ayaa degey Xerada Xalane ee magaalada muqdisho oo ku dhex yaala Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey ee Somaliya.
Puntlandes.com

About The Author