Midowga Musharaxiinta oo walaac ka muujiyay xaalada amni iyo caafimaad darro ee dalka
10 Mars 2021 (Puntlandes) Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa war kasoo saaray xaaladda amni ee dalka, Cudurka halista ah ee COVID-19 ee kusii faafay gudaha dalka iyo Shirka madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee dhacaya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa lagu cambaareeyay weeraradii lagu qaaday Xerada Xalane iyo Maqaayada Luul Yemeni iyagoon sheegay inay ka xun yihiin falalkaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Golaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka taxadaraan faafida Cudurka halista ah ee COVID-19, ayna ka feejignaadan dhibaatooyinka amni darro ee ka dhacaya dalka ee kuwa geysanaya ka faa’iideysanayaan Jahwareerka siyaasadeed ee jira.
Sidoo kale,Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay Shirka Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee la filayo inuu todobaadkan ka dhaco Teendhada Afisyooni ee Xerada Xalane.
Musharaxiinta ayaa tilmaamay in shirkaas ay u arkaan inuu yahay mid lagu soo afjari doono is-maandhaafka siyaasadeed ee jira haddii uu kulanka uu noqdo mid loo dhan yahay oo dhammaan Madaxda kasoo qeyb galaan, loogana hadlayo khilaafka taagan.