Sawirro: Madaxweyne Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya
11 Mars 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Madoobe ayaa Aqalka uu ka degan yahay Xerada Xalane ku qaabilay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashada iyo sidii caqabadaha ka jira meesha looga saari lahaa, shirka soo socdana uu u noqon lahaa mid miro dhala.
Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey ayaa cadaadis xoogan ku saaraya Madaxda Siyaasadda inay heshiis ka gaaraan hirgelinta doorashada, kaddib markii muddo xileedka dowladda Federaalka uu dhamaaday iyadoo aanan horumar laga sameynin hirgelinta hannaankii doorashada ee 17 September.