Sawirro: Madaxweyne Deni oo kulan la yeeshay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya

15 Mars 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya u qaabilsan  Ambassador Francisco Madeira.

Kulanka oo ka qabsoomay Hoyga Madaxweyne Deni ka deganyahay Muqdisho waxa labada mas’uul uga wada-hadleen muranka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka dalka oo ay ka mid tahay amniga doorasha.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Dhanka kale kulanka ayaa looga hadlay sidii uu ku qabsoomi lahaa shir ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka oo la filayo in uu dhowaan ka furmo magaalada Muqdisho kaas oo u dhexeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.



Puntlandes.com

About The Author