Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo gooni gooni ula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay & Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya
16 Mars 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.
Kulamada ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee siyaasadda dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya ka dhaceysa oo aan wax heshiis ah laga gaarin.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in kulamada diirada lagu saaray dadaalada Beesha Caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo Arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17-kii September 2020 ee Muqdisho iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo.
Madaxweyne Qoorqoor oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, xili weli uusan Caasimaadda soo gaarin Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen.
Madaxweynayaasha Puntland Saciid C/laahi Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku sugan Muqdisho, iyagoona degan xerada xalane, waxaana sidoo kale Magaalada jooga Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.
Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii uu u qabsoomida lahaa Shir la filayo in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dawlafd Goboleedyada ku yeeshaan Teendhada Afisyooni, kaasi oo lagu dhameystirayo Arrimaha doorashooyinka dalka.
Qaramada Midoobey iyo Safaaradda Mareykanka ayaa fududeynaya shirka la filayo inuu ka dhaco Teendhada Afisyoono, iyadoo dhammaan wafuuda ka socota dowlad Goboleedyada qarashka ku baxaya ay bixineyso Beesha Caalamka.