Sawirro: Madaxweyne Deni oo kulamo la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare

16 Mars 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulamo la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Dhammaan kulamada ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka ka taagan, sida lagu sheegay qoraal kooban oo laga soo saaray kulankaas.

Madaxweynayaasha Puntland Jubaland ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho iyagoo la dejiyay Xerada Xalane, halkaas oo ay iyagu dalbadeen in la dejiyo.

About The Author